Akhriso Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Dib u Habeyn Ku Sameeyey Gudiga Maliyada

0
78

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda, iyada oo Guddiga la faray in Miisaaniyadda 2019 la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Guddiga ayaa horay waxaa u kala diray guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, Taasoo ay ka dhalatay khilaaf aad u weyn.