Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhowr mar uu si kulul uga hadlay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay daba-dheeraaday.
Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in waxbadan dowladda Federaalka,AMISOM iyo Beesha Caalamka ay mudo Afar Sano ka badan ka sugayeen in Jubbooyinka la xureeyo,hayeeshee taasi ay dhicin.