Kulan ay ay soo agaasimeen golaha qurbo joogta koonfur galbeed oo maalintii shaley dhacay ayaa waxaa diirada lagu saarayey xaalada guud ee siyaasada koonfur galbeed iyo qaabka ay ku sugan tahay.
Kulankaasi yaa waxaa kasoo qeyb galey Aqoonyahana, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda koonfur galbeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisan kulanka oo ahaa mid dhinaca qadka telfoonka.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa xukuumada federaalka loogu baaqay.
1- In ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusii deyso Mukhtaar Roobow
2- In ay farha kala baxdo siyaasada guud ee maamulka koonfur galbeed.
3- In ay si deg degn ah wax uga qabtaan ciidamada ku labisan dareyska dowlada ee jidgooya u taal gobolka shabelaha hoose ilaa gobolka Bay.
Baaq kaasi la mid ah waxaa ay ugu baaqeen xildhibanada dowlada federaalka ku jira ee ku jira labada aqal ee kasoo jeeda deegaanada koonfur galbeed wexey ugu baaqeen iney ka shaqeeyaan danaha shacab koonfur galbeed.