Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay meelmariyaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii Diseembar ugu baaqay Aqalka Sare inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, isaga oo xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dadka naafada ah iyo daryeelkooda.
Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharcigan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Guddoomiyayaasha Guddiyada Xuquuqul Insaanka ee labada Aqal iyo xubno ka socdey Ururrada ay ku midaysan yihiin Naafada Soomaaliyeed