Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.
Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.
C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa dhowr jeer oo hore isu soo taagay xilkan isagoo aan xiligaasi wax guul ah ka gaarin.