Milatariga Marekanka ayaa la sheegay inuu xadidiyo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahannada al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee Marekanka.
Howlgallada milatariga Marekanka ee Soomaaliya ayaa gaabis noqday tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis xilka ka deggay bishii hore.
Labo sarkaal oo ka tirsan milatariga Marekanka ayaa laga soo xigtay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu maamulka madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciidammada Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka,sida uu baahiyay telefishinka NBC News.
Marekanka ayaa dhinaca kale qorsheynaya inuu yareeyo doorkiisa Soomaaliya, iyadoo arrinta ay ka digayaan khubaro ka tirsan la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, kuwaas oo u arka in qorshaha cusub ee Marekanka uu abuuri karo khatar ka timaada ururrada Al-qaacida iyo Daacish.