Wararka aynu ka helyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda halkaasi ka wadaan howlgal ballaaran dhamaan xaafaddaha degmadu ka kooban tahay.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalkan yimid kaddib markii ay degmadu kusoo noq noqdeen weerarrada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab iyo dilalka qorsheysan ee degmada ka dhaca.
Qof ka tirsan dadka ku dhaqan degmada ayaa sheegay in baaritaanku yahay mid saameynaya xitaa guryaha ay dadka rayidka ah ku nool yihiin oo mid mid ciidamadu gudaha u galayaan.
Si kasta arintu ha ahaatee shacabka ku dhaqan degmada afgooye ayaa ah shacab inta badan dhibaato kama kulma dlabada dhinac ee halkaasi isku haya ha noqoto ciidamada dowlada amaba alshabab.