Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa ay ku xayirnaayeen tan iyo saakay wafdi ka socday dowladda oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe.
Waxaa socday dadaalo ay wadeen Isimada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo la doonayay in loo ogolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo C/weli Gaas
Wafdiga la filayay in ay u socdaalaan magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo xidhibaanno ka soo jeeda deegaannada Puntland, iyaga oo halkaa u tagaya ka qebgalka iyo korjoogteynta doorashada madaxwynaha e la filayo in maalin kaddib halkaa ka qabsoonto.
Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.