Madaxweyne Kuxigeenka maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo beryahan ku sugan deegaano ka tirsan gobolka gedo ayaa sheegay in loo baahan yahay kawada qeyb qaadashada Dhisida Maamul wanaag islamarkaana ay ka maamul ahaan madaxdooda diyaar u yihiin inay dhageystaan Cabashada Dadka ay ka qabaan adeegyada aysan helin.
Qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Garbahaareey oo la kulmay Mudane Maxamuud Sayid Aadan waxay soo bandhigeen Baahiyaha ay qabaan iyo Jubbaland inaysan sidii laga filayey Reer Gedo ugu hagar bixin.
Madaxweyne kuxigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in si dhaw Cabashadooda u dhageysan doonaan oo wax laga qaban doono,isagoo taas badelkeeda codsaday in laga qeyb qaato Xoreynta Deegaanada Gedo ay ka joogaan Shabaab.