Qaramada Midoobey oo Sheegtey Inay Yareyn Doonto Shaqalaha Ka Jooga Somaliya

0
96

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in ay xadideysa shaqaalaheeda ka howgala xafiiskeeda magaalada Muqdisho kadib weerar hoobiyaal ah oo lagu qaaday xarunta ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho 1dii bishan Janaayo 2019.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in xaaladda Ammaan ee shaqaallaha Qaramada Midoobey ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay tahay mid halis ah oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo.

Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay xarunta Muqdishana ka howlgalayay kuwaasoo iman lahaa Muqdisho 6da iyo 7da bishan lagu amray inaysan tegin Muqdisho oo ay iska xaadiriyaan xafiisyada UNka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dhowaan in ay ka xun yihiin in ergeygii uu u magacaabay dalka Soomaaliya ay dowlada Federalka Soomaaliya ay ceyriso, balse waxa uu sheegay in uu magacaabi doono ergey cusub.