Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa goor dhow shaaciyay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaaray wareegii saddexaad.
Wareega u dambeeyay ee saddexaad waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 cod iyo Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo helay 31 cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahad celiyay Baarlamaanka ,guddiga doorashada ,musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaaray ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .