Maddaxweynaha Dalka Kenya oo Ka Hadley Weerarkii Shalay Ka Dhacay Magalada Neyrobi

0
187

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in la dilay dhamaanba raggii weerarka ku qaaday galinkii danbe ee maalintii shalay weerarka ka geystay magaalada Nairobi, taasoo macnaheedu yahay in la soo afjaray howlgalka.

Isaga oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayuu sheegay Kenyatta in weerarkii shalay inta la og yahay ay u dhinteen 14 ruux weerarkaa oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab.

Mr Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in illaa 700 oo qof la soo badbaadiyay, waxaana dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah, halka kuwa dhintay uu eheladooda u tacsiyadeeyay.

Waxaa uu sheegay in ay ku jiraan xaalad feejignaan aad u sareysa, waxaa uu u xaqiijiyay dadka Kenyanka iyo kuwa Ajnabiga inay tahay Kenya mid ammaan ah.