Alshabab oo Soo Bandhigey Ciidamo ay Sheegeen Iney Kasoo Goosteen Maamulka Jubaland

0
72

Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in ay kasoo baxeen Saddexdaasi Askari ciidamada maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwa ilaaliyadda Madaxtooyadda.

Jubbaland weli kama aysan hadlin Ciidamadaan Shabaab ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Jubbaland.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay alshabab soo bandhigaan ciidamo ay sheegaan in ay kasoo goosteen maamulka jubaland ama kuwa dowlada dhexe taasoo inta badan aysan jirin wax xaqiijin kara maadaama daresyka ciidanka dowlada uu noqdey mid meel walba yaala.