
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed ee lacagaha baada ah siiya Al-Shabaab.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in Al-Shabaab goob kaste oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah, islamarkaana ganacsatadda ay lacagtaasi u bixiyaan si ay u badbaadiyaan Naftooda.