
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.
Kulanka oo yimid kadib kolkii marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid kulankaasi oo looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen.
Wasiir Ciid ayaa dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo mashruuca biyo xireenka magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga.
Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee beeraleyda Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan kana kooban 10 qof.