Maamulka Hirshabeela oo Cabasho Ka Gudbiyey Ka Bixitaanka Ciidamada Burundi ay Ka Baxayaan Deegaanadaas

0
72

Wasiirka Amniga maamul gobolleedka Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ka dhan ah ka bixintaan ciidamada Burundi qeybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle u gudbiyay Aqalka sare ee Soomaaliya.

Wasiirka oo la kulmay xildhibaannada laga soo doorto deeganada Hirshabeelle ee ku matala Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay qorsheynayaan in ay ka baxaan qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada laga soo doorto Hirshabeelle ee ku jira Aqalka sare in ay arintaan hoos u eegaan culeysna ku saarnaa hay’addaha ay quseyso in ay ka fiirsadaan cawaaqibka nabad-galyo darro ee tallaabadaa ka dhan kara.

Horay waxaa go’aanka ka bixintaan ciidamada Burundi cabsho uga muujiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo walwalka arintan ku saabsan la wadaagay wakiilka howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.