Maxamed Mursal iyo Cabdicasiis Laftagreen oo ku Fashilmay Ballan-qaad Been ah oo ay Sameeyeen

2
212

Guddoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha la magacaabay ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen ayaa caddaaday balan qaad been ah oo ay u sameeyeen shacabka iyo odayaasha Koonfur Galbeed taasoo ku saabsaneyd sii deynta Mukhtaar Roobow.

Ballanqaadkooda beenta ahaa ayaa soo ifbaxay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal oo ku sugan Muqdisho iyo Cabdicasiis Lagtagareen oo halkaasi gaaray ay kulmeen islamarkaana aysan soo hadal qaadin soo deynta Mukhtaar Roobow oo dowladda federaalka ay si sharci darro ah ku xirtay xilli uu u tartamayay doorashada Koonfur Galbeed islamarkaana ahaa qof kaliya ee ugu cad-caddaa doorashada, taasoo culeys ku noqotay dowladda dhexe iyo musharrixii ay wadatay ee Laftagareen.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegaya in Maxamed Mursal iyo Cabdicasiis Laftagareen walow ay wax ka ogaayeen xarigga Mukhtaar Roobow in haddana xilligan aysan wax talo iyo awood ku laheyn sii deyntiisa.

Waxaa xusid mudan in guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Laftagareenba ay bulshada Koonfur Galbeed ka hor sheegeen in ay xilalka ka degi doonaan haddii ay ku guul darreystaan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Fadlan hoos ka dhageyso codadka Mursal iyo Laftagareen.

Waxaa nasiib darro ah in guddoomiyihii baarlamanka federaalka iyo madaxweynihii loo magacaabay Koonfur Galbeed in aysan wax talo iyo tusaale ah ku laheyd sii deynta Mukhtaar Roobow oo ah muwaadin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay labadooduba matalaan.

Wararka qaar oo aynu ka helney magalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in xariga Mukhtaar Roobow ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo odayaal dhaqameed taasoo ay xukuumada kala tashatey inta aysan sameyn falkaas lagu soo xirey Mukhtaar Roobow.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegaya in sii deynta Mukhtaar Roobow ay gacanta ugu jirto shakhsiyaad ka tirsan dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa markoodii horaba ogaa in hadalada kasoo yeeray Maxamed Mursal iyo Cabdicasiis Lafta gareen aysan ku fadhin wax micno ah isla markaana aysan laheyn awood ay kusoo deyn karaan ruux xertey shaqsiyaadkii ayada masuulka ka ahaa.

Haddaba Maxaa la gudbeen labadan shakhsi oo aanan ka aheyn inay xilalka iska casilaan marba haddii aysan xitaa ka hadli karin xarigga sharci darrada ah ee Mukhtaar Roobow iyo dhibaatooyinka kale ee joogtada ah ee lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed.

2 COMMENTS

  1. Sc. Juwaarey xataa dhulkuu la’xaagey dadka si uu mar u marsiiyo wixii loo soo dhiibey . Marka hada ayagoo labo AH ka SHEEKEEY markii hore 1 Dalaal ayey heysteen hada 2 Dalaaley ayey heleen .Digil amey dan ugu jirtaa iney Mirifle iska barejeyaan awalba ma jiifinii hankiina kor u qaada Dulaalkii 3aad keena lkn Mirifle waa u JEEDAAN ani fikirkeyga m’aho kala fogeyn lkn angoo wada dhiban hadii qole KALE si gooni AH looga sii istaagaayo waa Ayaan daro marka ADIGA maxaa kuu diidaayo inaad MEEL un wax ka biloowdid…???.DAMEER BII SHEENOW ERETIISA LUKU KASEE.

  2. Su’aalahaan ayaa jawaab u baahan -1-qofka wax xirey yaawaaye? 2-qofka la xirey danbi maleeyahay?3-adiga oo digil ah maxaa kula gudboon xaalada marka ay sidaan tahay?jawaabtu waa xagiina.mhd

Comments are closed.