Wasiirka Batroolka Iyo Macdanta oo Sheegay In Xukuumada Ay Dadaal Ugu Jirto Sidii Loo Soo Saari Lahaa Qeyraadka Dalka

1
96

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

1 COMMENT

  1. Sababta maxay tahay in la soo saaro shidaalka somaliya wejigiisa 3aad oo ah exbanaadir(waa dhulka looyaqaano maanta koonfur galbeed)maxaa diidey in qodista shidaalka iyo macaadinta wejiga 1aad oo ah waqooyi galbeed somaliya qodista shidaalka laga soo bilaabo,wejiga 2aad oo ah gobolada dhexe somaliya in qodista shidaalka laga bilaawo maxaa diidey?wejiga 4aad oo ah jubooyinka in laga soo bilaabo qodista shidaalka iyo macaadint maxaa diidey,sababta diidey waa qeybta koowaad,qaybta labaat iyo qeybta afaraat dadkii iska lahaa wey soo jeedaan mana rabaan in kheyraadkooda lala qeybsado sidaasi darteed siyaasiyiinta beelaha kale ee somaliada ah waxay isku afgarteen in ay la soo baxaan kan koofur galbeed oo dadkiisa weli hurdada dheer ku jira kheyraadkaas in loo iib geeyo caalamka dhaqaaalaha ka soo baxa loo qeybiyo bulsho weynta somalida ee ku nool gudaha iyo dibada(keyga anaa iskaleh kaagana kullihi)digilow doowaa kooyi dalshey lidegow madiidow.mhd

Comments are closed.