Amisom oo kulan ay kaga Arinsanayaan ka Bixitaanka Ciidamadeeda Uga Socda Magaalada Muqdisho

0
75

Taliyeyaasha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho uga furmay shir soconaya 4 cisho, kaasoo looga hadlayo qorshaha ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee somaliya.

Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo oo gudoominayay shirka ayaa Taliyeyaasha ku amray in afartaas maalmood ay ku soo saaraan qorshe macquul ah oo la isku halleyn karo, isl amarkaana aan dib u dhac ku keeneyn guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha guud ee Ciidanka Amisom Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in howlgalladooda cusub, markan ay noqon doonaan kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha isla markaana hoos u dhiga Awoodda iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galeysa ayaa soo bandhigi doonta howlaha ay tahay in la qabto ka hor inta aysan bixin Ciidanka AMISOM, qorshaha amniga Soomaaliya loogu wareejinayo Ciidamada dowladda ee xilliga kala guurka iyo sida ay tahay in Shabaab gacantooda looga saaro dhamaan degmooyinka ay joogaan.