Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Maanta La Dhaariyey

0
70

Golaha wasiirada maamulka puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Dhaarintan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha wasiirada maamulkaPuntland, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si hufan oo daacad ah ugu adeegaan shacabkooda.