Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika, kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka.
Kulankii shirka midowga africa ayaa ayaa waxaa beesha caalamka looga codsaday in laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay dalka somaliya taaso muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay hortaagan tahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.
Qoraalkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga.
Qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in somaliya uu muhiimad gaar ah ugu fadhiyo qaraarkii kasoo baxay kulankaas, Taasi oo muhiimad gaar ah lagu siinayey Amniga, Arimaha Biniaadanimo iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda.