Taliska Mareykanka ee africa ayaa sheegay in ay fuliyeen labo duqeyn oo ka dhan ah xoogagga Al-shabaab, kaddib weerar ka dhacay meel ka baxsan magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay ku dileen 15 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ka dhacay 11 bishan degmada Janaale oo 40 km galbeedka uga beegan magaalada Muqdisho.
Magaaladan duqeynta lagu weeraray ee Janaale ayaa 10 mayl u jirtay magaalada kale ee lagu magacaabo Gandarshe laga soo bilaabo bishii Dec sanadkii 2018 duqeyn ay ka geysteen Mareykanka lagu dilay 76 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira duqeynta ka dhacday Janaale ee la sheegay in lagu dilay 15 ka tirsan dagaalyahannadooda.