Waxaa shalay la dhammeystiray golaha wasiirrada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo uu soo magacaabay madaxweyne talada loo dhiibtay Cabdicaziiz Laftagareen.
Dad badan ayaa dood galiyay, wax lala yaabana ku tilmaamay siyaasadda Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabiillada ay kasoo jeedaan golaha wasiirrada kuwaasoo laga dhex arkay dhammaan qabiillada Soomaalida iyadoo muuqata in lagu soo dhisay qaabka 4.5 oo loo dhigay un si kale.
Tusaale, maamullada ka jira dalka sida Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo xitaa Somaliland oo si iskeed ah ugu dhawaaqday madax-bannaani ayaa golaha wasiirrada waxaa kasoo muuqda qabiillada isku baheystay ee meesha ku badan, iyagoo xaqira qabiillo badan oo deggan oo ay kamid yihiin kuwa kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Balse taas dadka reer Koonfur Galbeed marnaba kama keenin wax dood ah maadaama ay rumeysan yihiin in ay si gooni ah u leeyihiin Koonfur Galbeed maadaama dalka uu qaatay nidaamka federaalka.
Laakiin hadda waxey u muuqataa in Koonfur Galbeed lawada leeyahay halka maamullada kale ay leeyihiin dad gooni ah.
Inkastoo sida kor ku xusan qabillada Soomaalida oo dhan ay iska dhex arkeen golaha wasiirrada Koonfur Galbeed sida Hawiye, Daarood iyo Dir-ba haddana warar ay heleyso warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegaya in qabiillo ka tirsan kuwa kor ku xusan inay doonayaan in ay soo saaraan war-murtiyeed ka dhan ah golaha wasiirrada cusub.
Siyaasi kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo sababo jira awgood dalbaday inaanan la xigan magaciisa ayaa u sheegay Warbaahinta Daafeet Media in ay iska caddahay in Koonfur Galbeed laga dhigay maamul goboleed kawada dhexeeyo dhammaan Soomaalida sida gobolka banaadir, isagoo xusay in reer Koonfur Galbeed aysan layaab ku noqon haddii loo keeno madaxweyne kasoo jeeda qabiillada Soomaalida maadaama marnaba aanan loo oggolaan reer Koonfur Galbeed inay ka si madax-bannaan ugu tashadaan aayahooda.
Wuxuu tusaale usoo qaatay siyaasigan faragelintii lagu sameeyay Koonfur Galbeed xilligii doorashada iyadoo loo keenay qofkii madaxweyne u noqon lahaa halka Puntland iskadaa farageline ay masuuliyiintii dowladda ka mamnuucday inay tagaan deegannada Puntland.
Dad u dhashay Koonfur Galbeed ayaa deggen dhammaan deegannada maamul goboleedyada kale ee dalka, laakiin wax jago wasiir buuxa ah kama helaan dhammaan maamulladaas halka Koonfur Galbeed xitaa qabiillo aanan degganeyn lasiiyo wasiir dhammeystiran, taasoo shacabka dhexdiisa ka dhalisay dood badan, iyagoo marka hore ka careysnaa madaxda xoogga loogu keeno iyagoo kasoo horjeedo oo uu kamid yahay Laftagareen.
Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyay in lawada yeesho dhammaan dalka iyo siyaaddiisa ama in reer Koonfur Galbeed loo daayo maamulkooda iyadoo la dhaqan gelinayo nidaamka federaalka ah ee dalka laga hirgeliyay.
Daafeet Media
Af waakoo may la ka aamee. Dal aan ciidan difaaca lahayn in uu hadlo mahan DM ma is difaaci karaan? waa maya dhaliyayaashooda Muqdishaa loogu yeeraa oo laga xukumaa. Meel aan DM aheeyn oo loo taliyo Soomaliya kama Jiro. 31 Qabiil so maydan arag. Ogaadeen baa haysto, Habar Gidir baa haysato iyo Mareexaan baa haysto waa hal qabill. 25% oo qabiilkaas ah bey leeyihiin wuuna heystaa. 500 mooryaan ayaa track loogu soo raraa maatidooda laaya hantidooda dhaca. Cidaan tashan waa loo taliyaa. Intey heshiiyaan ciidan ka madaxbanaan Federaalka oo KG ay leedahay aaway? Sida maamulada kale. Yahuu yaa kaafi DM shame on you shame on you aamusa hadal idinkuma haboona. Canshuutrii Afyooye Xamar ayaa lagu shubaa aawey shacab kaad meteshaa?
KG waxaa ka dhigey maamul somali wada leedahay:isirka somalida waxaa loo qaybiyaa SAB(digil iyo wiilashiisa ee ku abtirsada) iyo SAMALE(IRIR iyo wixii ku abtirsada)madaama geeska afrika hodon yahay dhulka ugu fiican uu degan yahay digil waxaa lagu soo qadey dagaalo badan oo dhowr weji lahaa kaas oo ka imaanaaey dhanka samaalaha taasi waxay raad ku reebtey in dalkii digil la qabsado,kadib qabaa’ilada diglka la soo sheegto markii dagaal maaro looga waayey sheegashadaas siyaasadeysan waxay waxay dhalisay in ay amuurman magacyo leh abtirsiiyo been ah sida aad ku arki kartaa bugaagta taariikhda ee la qorey qarnigii 17aad iyo 18aad iyadoo dhibkaas uu jiro ayaa 1960 kii la helay dawlad ay dabada ka riixayaan gumeystayaashii nasiib daro xubnihii masalaayey digil ee digil iyo mirifle abuurey waxay nasiib u heleen in ay kamid noqdaan dawladii Adan Cade marwalba waxay u xaqlinaayeen qabaailadii ay ka soo jeedeen ee dir,darod iyo habiye oo xiligaas isku ahaa samaale,dawladihii aadan cade ka danbeeyey ninkii digilmifirle ah ee raba xil siyaasadeed wuxuu sheeganaayey samaale hadii uusan sheegan xil lama siin jirin waana heshiis hoose oo ay isbaheysi ku yihiin hawiye daarod iyo dir taas koonfur galbeed waxay dhaxalsiisey midaan maanta aad goobjooga aad u tihiin oo ah in lawada leeyahay KG sidii loogu bixi lahaa taladeeda waxaa laga rabaa digil qabaa’ilada ku abtirsada.mhd
Samaale(habiye,dir,darod)waxay leeyihiin dhulkeena bad iyo beri kheyraadka ku jira anagaa iska leh.midka Digilmirifle dhamaanteen waan wada leenahay waxay halhees ka dhigteen keena anagaa iska leh kaagana kula lihi waxaa larabaa si cadowgaan samale oo boobka digilmirifle iskubaheytey in loogu hortago wadaniyad iyo midnimo digilmirifle KG aqoonyahankooda,siyaasigooda,rag iyo dumarba ay u kacaan in ay hor istaagaan fadeexadaan dhaxal tiri doonta jiilka soo socda ee digilmirifle.mhd
Comments are closed.