Aqriso Suldaan Warsame oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Somaliyeed

0
75

Suldaan Wasrsame Suldaan Ibraahin oo ka mid ah salaadiinta somaliyeed ayaa maanta bogiisa Facebook waxaa uu dhaleeceyn uga soo jeediyey siyaasiyiinta soomaaliyeed ee xooga u sheeganaaya dadka danta yar oo inta guryaha ay dhisteen ka dudumiyaan isla markaana siinaya dad kale.

Suldaanka ayaa waxaa uu gudiga uu gudoomiyaha ka yahay wasiirka waxbarasha Cabdullaahi Goodax Barre ugu baaqay in ay burburinta ka bilaabaan wadada garoonka Aadan Cade aada gaar ahaan guryaha lagu kala wareejistey arimo siiyaasadeed.

Gudiga soo celinta hantida qaran ayaa beryahn waxaa ay olole ku hayaan dadka danta yar ee aan waxba iska celin karin ayagoo ka duduminaya buushash ama guryo ay ka dhisteen meelo ay dad kale ka iibsadeen, Halka aysan marnaba far u qaadin xoolaha ay dhacayaan kuwa sheeganaya iney yihiin siyaasiyaanta somaliyeed