Itoobiya iyo Jabuuti oo kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan Dhoofinta Shidaalka

0
61

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa sheegay in Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti, ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion, waxaa la filayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021, sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi Itoobiya.

Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka labada dal.

Masaafada la rabo in lasoo marsiiyo dhuumahan ayaa ah mid aad u dheer taasoo u keeni karta dhibaatooyin badan oo ku saabsan dhinaca caafimaadka dadka ku nool deegaanda dhuumahan lasoo marsiin doono.