Kulankii Taliyeyaasha Amisom uga Socda Magalada Muqdisho oo Lasoo Gabagabeeyey

0
46

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir socday 5 maalin, kaasoo ay lahaayeen Taliyayaasha Amisom, Milatariga Soomaaliya, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya.

Shirka oo diirada lagu saarayay qorshaha ka bixista Amisom ee dalka, qaadista weeraro ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka ee Soomalaiya, ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee Saraakiishii shirsaneyd ay isla qaateen waxaa kamid ah in weeraro aan kala joogsi leheyn lagu ekeeyo meelaha ay Shabaab ka soo abaabulaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom

Waxa uu Simon Mulongo soo hadal qaaday qorshaha kala guurka Soomaaliya, isagoo sheegay in loo wajahayo 3 waji oo kala ah:

1- In laga hortago weerarrada AL-shabab,lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah, si ciidanka Dowladda looga taageero la wareegidda amniga dalka ee muddada dheer.

2- in amniga xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

3- In la dar dar geliyo qorshaha dhimista Ciidanka Amisom ee dalkan ku sugan

Qorshaha la dajiyay si loogu guuleysto ayuu sheegay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM in lagama maarmaan ay tahay in lala shaqeeyo Taliyayaasha Ciidamada Soomaalida.

Gen. Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa dejinta qorshaha howlgallada ayaa sheegay in loo baahan yahay wada shaqeynta labada dhinac si qorshahan ka dhanka ah Al-shabaab loogu guuleysto.