Somaliya iyo Kenya oo Soo Kala Dhex Galay Muran iyo Kenya oo u Yeertay Safiirkeeda

1
54
Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering
Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering

Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal.

Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo ayaa loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo.

Kenya ma aysan shaacin dhulka ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay.

Si kastaba, waxay u muuqataa in arrintan ay la xiriirto dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay ee Soomaaliya, oo horey ay Kenya ay u sheegatay ayada oo uu ku doodeysa heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee 2009.

1 COMMENT

  1. Dowladda Kenya warka ka soo yeeray waa mid aad loola yaabo. Waxaan aaminsanahay ineysan ka fekerin, waxaayna istusiyeen arrimo badan sida jney Soomaaliya burbur baahan ku soo jirtey, haddana ay heyso jidkii soo kabashada.
    Arrintaan maantay was 16/02/2019, shirkii London ee lagu soo Bandhigey Shidaalka Soomaaliya waxaay aheyd 07/02 /2019, waad garan kartaan waqtiga u dhexeeya.
    Waa arrin Dowlado kale iyo kuwii liitey ee Soomaida sheegan jirey ay soo dhoobdhoobeen.
    Arrinta kale Sidii ay horeyba ugu saxiixeen Dilaalintii Soomaalidu ahaa sida Cumar Cabdirashiid, ina Cabdishakuur iyo kuwo kale oo badan ay Dowladda Kenya ku dheheen nagu qabdada Badda Soomaaliya innagaa idinku gacan siineyna.
    Kenyan a Mar walba waxaay ku dooddaa heshiish Baan la galnay Dowladda Soomaaliya inaan ka wada hadalno muran badeedka naga the dhexeeya.
    Hadda Dowladda Kenya waxaay xaqiiqsatay ineysan Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya Hoggaankeedu inuusan Gorgortan kala galeyn TAAKO YAR OO DHULKA SOOMAALIYEEF AH CIDNA.
    Waxaa jira Oraah SOOMAALiyeed oo oraneysa ” Usha Xashka ku Dhufo Waxa ku jira Ha Ka Soo Baxaane”
    Taas oo micnaheedu tahay Kenya waxaay rajo ka qabtey jney dhul SOOMAALiyeed meel cidla ah ka qaadato. Hadda tillaabada ay qaaday Dowladda Kenya haddiiba loo raaco sheegashada Qayb ka mud ah Dhul badeedka Soomaaliya, ma waxaay aheyd jney tiraahdo waxaan xiriirkii u jarney Soomaaliya.
    Soomaalidu waxaay tiraahdaa Dheriga waxaa Karka ka keenay Kuleylka ” shirkii ugu dambeeyeh ururka midowga Africa ( African Union) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu shirkaas ka sheegay jney jiraan Dowlado caqabad ku ah jney Soomaaliya hesho Xasilooni Diyaasadeed waayo Soomaaliya waxaay ku taallaa meel aad muhiim u ah.
    Soomaalidu haddii aysan ka baraarugin haggar daamada ay ku hayaan Dadka iyo Dalks Soomaaliya Cadowga Damaca waalan sida Kenya, UAE iyo kuwo kale oo badan islamarkaana Isticmaala, isticmaalina doona kuwo aad u Liita oo Soomaali ah.

Comments are closed.