Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Somaliland oo Ka Jawaabay Hadalkii Kasoo Yeeray Xukuumada

0
55

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Guri- barwaaqo ayaa ka hadlay hadal ka soo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax bare oo sheegay inay ka shaqaynayso guddi uu madax ka yahay inay dib usoo celiyaan hantidii shacabka ee dawladda gacanteeda ka baxday.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in hantidda shacabka ee dib loogu soo celinayo gacanta dawlada ee ay diwaangalinayso ay ku jiraan Somaliland hantidii dawladdu bixisay dib uga soo celinayaan dadkii la siiyey.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Guri barwaaqo oo ka jawaabaya hadalka kasoo baxay gudoomiyaha gudiga hanti celinta ayaa waxaa uu sheegay in xukuumad ka dul talisa Tiknikada AMISOM in ay ku dhawaaqdo inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Somaliland.

Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.”

Waxanu intaas ku daray “Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.”