Waxaa maanta Magalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Ambasaddor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Safarkan ayaa ahaa mid deg deg ah kadib markii Dowladda Kenya ay xalay ku wargelisay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya in uu isaga baxo dalkeeda,sidoo kalena u yeertay safiirkeedii u joogay Soomaaliya.
Sababaha dowladda Kenya ay ugu yeertay safiirkeedii u joogay Soomaaliya kuna amartay in Safiir tarsan uga baxo dalkeeda ayey ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad gudubtay xaduud badeedkeeda,isla markaana ay suuq geysay qeyb ka mid ah badeeda si shidaal looga baaro.
Xurgufta u dhexeysa somaiiya iyo kenya ayaa salka ku heysa ceelal shidaal taasoo dacwadooda labada dal ay u gudbiyeen maxkamada aduunka welina aysan maxkamada ka gaarin wax go,aan ah