Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Xisbiga labaad ee si cad u taageera jawaabtii dowladda Federaalka ka bixisay go’aankii Kenya.
Qoraal xisbigaas kasoo baxay Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu taagersan yahay jawaabta ay ka bixisay dowladda Federaalka Go’aankii Kenya,sidoo kalena Dowladda Federaalka ay iyadu leedahay gacan ku heynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xaduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.