Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay.
Qodobka Koowaad : – Ayeey Kenya ku sheegtay in dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto qariirada qeybaha xudduud baddeedkeeda ka mid ah ee lagu soo bandhiga shirkii 7dii Feberaayo ka dhacay magaalada London ee lagu soo bandhiga sahminta shidaalka Soomaaliya.
Qodobka Labaad :– Ayaa in ah in dowladda Soomaaliya ku war-galiso dhamaanba shirkaddaha ku howlan baayicida xirmooyinka la soo bandhigay in Soomaaliya dhulkaasi laheyn.
Qodobka Saddexaad :– Ayaa ah in dowladda Kenya ka dooneyso Soomaaliya in wada xaajood ka galaan arinta ku saabsan muranka xudduud baddeedka ee u dhaxeeya labada dowladdood iyada oo meel leyska dhigayo dacwadda hadda hortaala maxkamadda cadaallada dunida ee ICJ.
Kenya ayaa ka dooneyso Soomaaliya in ay fuliso dhamaaba sharuudahan ku xiran wada hadal lagu dhameeyo khilaafka jira, kaddib markii maalintii shalay dowladda Soomaaliya dhankeeda si taxadar leh uga hadashay muranka soo cusboonaday ee kala dhaxeeya Kenya.
Qoddobka ku saabsan in wada hadal laga galo arintan badda iyada oo laga talaabayo maxkamada ICJ, ayaa u muuqda mid adag, madaama marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ku celcelisay in ay ku qanci doonto go’aanka ka soo baxa maxkamadda wixii intaa ka horeeyana aan laga wada hadli karin khilaafka arintan ku saabsan.