Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho, Afgooye iyo jowhar.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkaas.
Dhismaha wadooyinka ayaa maal gelineysa Dowladda Qadar waddooyinkan ay ka muuqdaan burbur badan 30kii sano ee lasoo dhaafeyna aan lagu sameyn wax dayactir ah.
Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada, kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada.