Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku tegey habeenkii xaley ayaa maanta waxaa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda isla soo qaaday xaaladaha guud ee gobolka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradar geliyo hawlgallada Soomaaliya looga saarayo Shabaab.
Madaxweyne farmaajo ayaa safarkan waxaa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga DalkaDaahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).