Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Ka Hadlay KHilaafka Somaliya iyo Kenya

0
87

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay muranka Diblomaasi-yadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda sida uu qabo dastuurka ay tahay in looga danbeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa dhinac kale sheegay in arinta shidaalka ay tahay bilow u wanaagsan umadda Soomaaliyeed , laakiin aysan aheyn howl markiiba sanadaha soo socda lagu soo dhameyn karo, isaga oo intaa ku daray in wax wanaagsan tahay in la ogaado marka hore in dalku shidaal leeyahay.

Waare oo la hadlayey VOA ayaa dhinaca kale wax laga weydiiyay halkii uu ku danbeeyay isbaheysigii dowlad gobolleedyada iyo aragtida uu ka qabo in isbaheysigaasi sii jiro waxaana uu yiri, Haddii aad I weydiisay aragtideyda ah sii jiritaanka isbaheysiga waxaan qabaa haddii u isbaheysigaasi noqonayo mid u sameysan sidii xisbi mucaarad ah oo dowladda ka soo horjeeda oo kale in uu meesha ka baxo ayaa ila wanaagsan.