
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofaya Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis.
Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada Dowladood, labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa Amaanka, waxaana uu kulankan daba socdaa kulmadii ay horay u yeesheen labada mas’uul
Madaxweynaha ayaa socdaalka waxaa ku wehliya Wasiiru-Dowlaha Arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.