Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Kulan La Qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya.

0
73

War qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saakay wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.