
Qarax xoogan ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa taallada Xaawo Taako iyo Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in la dhigay Afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.
Ilaa 5 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen qaraxan oo imanaya xili horaantii toddoobaadka Qaraxyo waaweyn ka dhaceen wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho