
Madaxweynaha Uganda Uganda Yoweri Museveni ayaa markale isaga oo la hadlayey saraakiisha ciidamada tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya xilli dhawaan lagu xasuusto in uu weerar ku qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay meel aysan ka jirin dowlad.
Dalka Uganda dhawaan waxaa ka dhacday in uu dharbaaxay Askari ka mid ah Ciidanka dalkaasi haweenay ka mid aheyd Ciidanka Taraafidda, waxaana qabsaday baraha bulshadda Muuqaal laga duubay Askarigaasi oo bulshadda ay si weyn uga Caroodeen.
Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dadka dhaqanka xun oo Askarta ay qeyb ka yihiin ay u musaafirin doonaan Soomaaliya, halkaasoo uu sheegay in looga dhaqmo sidda ay rabaan.