
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa sheegay in aanu xilligan jirin khilaaf ka dhaxeeya maamulka Galmudug gaar ahaan garabkooda iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay sax tahay khilaafka maamulkooda u dhaxeeya islamarkaana keenay iney ku kala shaqeeyaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, balse aanay jirin wax ay dhankooda dowladda isku qabteen.