Dhegeyso: Gudoomiyihii Gobolka Sh Hoose ee Shalay Xilka Laga Qaaday oo Ka Warbixiyey Howlgalo Gobolka Laga Fuliyey

0
72

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose ee shalay xilkaasi laga qaaday Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibadooda taageeraya ay howlgalladii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen Gobolka.