
Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in ay diyaaradu dhacdo iyo goobta ay ku bur burtay, sidoo kale waxaa la ogeyn tirada dhimashada iyo guud ahaan rakaabka la socday.
“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo kan shacabka Itoobiya waxaa ay tacsida la wadagayaan qoysaskii ku waayay dadkii ay jeclaayeen bur burka diyaaradaha Ethiopian Airlines Boeing 737 oo qorshuhu ahaa in ay duulimaad ku tagto magaalada Nairobi, “ay aa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.