
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa uu ku hanjabay in dhamaan Ciidanka ka jooga Soomaaliya uu kala baxayo haddii Midowga Afrika uu isku dayo in uu dhimo Ciidanka Uganda ee ku jira Amisom.
Mr Museveni ayaa sheegay in isaga uu si shakhsi ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu wargeliyay in 6,400 oo Askari oo ka jooga Soomaaliya uu dhamaantood la baxayo haddii Goluhu amro in Ciidanka Uganda la dhimo.
Museveni ayaa yiri “Waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha ammaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo,laakiin aan soo saareyn hal Askari illaa aan dhamaantood soo saaro”.
Yuweri ayaa sheegay in Ciidanka Amisom oo guud ahaan ka baxa Soomaaliya ay ku xiran tahay dalka howlgalka uu ka socdo (Soomaaliya) oo sameysta Ciidan ku filan.