
Warbaahinta daafeet Media oo u dhabagashay sababta keentay in markale lasoo magacaabo gudoomiyihii hore ee gobolka shabelaha hoose Ibrahim Aden Cali Najax ayaa ogaatay in Wasiirkii hore ee Maaliyada ee maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Ibrahim Aden Sate iyo Gudoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure Maxamed ay ku qanciyeen hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed somaliya in mar kale Ibrahim Aden Cali Najax loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.
Haddaba dad badan ayaa is weydiinaya su’aalo dhowr ah oo ay kamid yihiin gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabelaha Hoose Ibrahim Aden Cali Najax ma waxaa lagu soo celiyay shaqo wanaagsan oo uu qabtay muddadii labada sano aheyd ee uu xilka hayey mise arimo kale arimo ayaa jira.
Intii aynu ku guda jirney baaritaanka la xiriira sababta ka dambeysa soo celinta Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabelaha Hoose Ibrahim Aden Cali Najax ayaa waxaa sidoo kale inoo soo baxay in Wasiirkii hore Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed C/raxmaan Ibrahim Aden Sate iyo Gudoomiye ku Xigeenka Amniga Gobolka Shabelaha Hoose Cali Nuur ay mashaariic hore qabyo ugu aheyd Gobolka Shabelaha Hoose oona lagu guul dareystay in mashaariicdaasi la fuliyo tan iyo intii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabaleha Hoose Ibrahim Aden Cali Najax.
Daafeet Media oo baaritaano ku sameysay mashaariicdan horey hakadka u galay ee haatan dib loo abaabulayo ayaa waxaa usoo baxay arrimo badan oo ay ka mid tahay bixinta dhulal ku yaalla Degmada Afgooye ee Xaafadda Imbagati, Degmada Baraawe iyo Deegaanka Jazeera kuwaasi oo hakad galay tan iyo intii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee gobolka shabelaha hoose Ibrahim Aden Cali Najax.
Sidoo kale C/raxmaan Ibrahim Aden Sate iyo Cali Nuure Maxamed ayaa ku qanciyay Cabdicaziiz Laftagareen in magacaabista Ibrahim Aden Cali Najax ka sokow dhul bixinta uu sidoo kale maamulka kusoo kordhin karo lacago isagoo dar dar horleh gelinaaya dhaqaalaha kasoo aruura isbaarooyinka yaala gobolka shabelaha hoose.
C/raxmaan Ibrahim Aden Sate wuxuu Maamulkii Shariif Xasan u qaabilsanaa ururinta lacagaha isbaarooyinka Gobolka Shabelaha Hoose walow uu ku magacownaa Wasiirka Maaliyada, sidoo kale Cali Nuur ayaa hadda ah Guddoomiye ku Xigeenka amniga Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose. Labadan nin ayaa aaminsan in magacaabista Ibrahim Aden Cali Najax ay ka caawin karto dardargelinta boobka dhulka iyo isbaarooyinka hakadka ku yimid.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ah gobolka ugu badan ee Canshuurta uga soo xarooto Maamulka Koonfur Galbeed waxaase nasiin darro ah in dib loogu soo celiyo calooshood u shaqeystayaal isu baheystay dhaca iyo boobka dadka shacabka horeyna u lunsaday wexey lunsan karaan.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan inay jiraan warar sheegaya in waxgaradka, dhallinyarada iyo Aqoonyahanka qaar ee kasoo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose ay cadaadis ku saarayaan Ibrahim Aden Cali Najax haddii uu rabo inuu Guddoomiye sii ahaado inuu ka tanaasulo la shaqeynta burcadda uu la shaqeysto ee ay ku midoobeen dhaca iyo boobka shacabka Gobolka Shabelaha Hoose.
Warbaahinta Daafeet Media waxey ku guda jirtaa raadinta iyo soo bandhigidda caddeymo ku saabsan dhulalka ay boobayaan saddexdan nin ee kala ah Ibrahim Aden Cali Najax, C/raxmaan Ibrahim Aden Sate iyo Cali Nuure Maxamed iyo sidoo kale dad marqaatiyaal ah oo ka hadlaya dhibaatooyinka loogu geysto jidgooyooyinka qaarkood oo ay maamulaan saddexdan shaqsi halka kuwa kalana ay wax ka ogyihiin.