Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Magalada Muqdisho

0
159

Barqadii Maanta ayaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad siday meydka Wasiirkii Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Jimcihii ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen, Ra’iisul Wasare Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiye ku xegeenka 2aad ee Golaha Shacabka, iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaada Janaasada Meydka Maxruumka waxaa lagula tukaday Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho,waxaana ugu dambeyn lagu aasay khabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu ka mid ah Wasiirada sida gaarka ah uga Shaqeyn jiray, isla markaana uu tusaale u ahaa, samatabixinta Ummadda Soomaaliya, dhameystirka Dastuurka iyo in Qabyaalada Qaranimo lagu bedelo.