Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amray In Laga Guuro Xaruntii Ciidanka Bada Ex Marino

0
122

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan( Yariisow) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

Eng Yarisow ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray Xeer dadka degan looga saarayo Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya

Waxa uu sheegay in cid allaala cidii amarkaan jebisay ama diida tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waxana uu sheegay in Xarumahaas ay Guryo waaweyn oo dabaqyo ah ay ka dhisteen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.