
Kulan ay isugu yimaadeen golaha wadatashiga koonfur galbeed garabkiisa Uk ayaa habeenkii xalay ka dhacay magalada london kulankaasi oo ujeedkiisa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi.
Intii uu kullanka socday waxaa warbixin aad u qoto dheer ka soo jeediyay mid ka mid ahaa musharixiintii u tartameysay madaxtinimada maamulka koonfur galbeed Ex-Xildhibaan Dr Xasan Xaaji Ibraahim.
Dr Xasan Xaaji Ibraahim oo ka mid ah Golaha isbadal-doonka koonfur galbeed ayaa ugu waramay Masuuliyiintii kullanka goob jooga ka ahaa wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo xiligii Doorashada, Dr Xasan waxa uu cadeeyay koonfur galbeed in aysan ka dhicin haba yaraatee wax Doorasho ah balse ay ka dhacdey magacaabid.
Dr Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sidoo kale ka hadlay Xasuuqii iyo Tacadiyaadkii ka dhacay magaalada Baydhabo xiligii lagu guda jirey magacaabista masuulka maamulka koonfur galbeed wuxuna sheegay in ay eheyd wax aad looga xumaado in umad dhan loo dhibaato sidii magacaabistaasi u hirgeli laheyd.
Warbixinta iyo Falanqeeyn Dr Xasan Xaaji Ibraahim kadib waxaa ay masuuliyiinta in la dar-dar galiyo lana daba taagnaado Qareenada shacabka koonfur galbeed, sidoo kale in Golaha Amaanka ee Xuquuqal Insaanka iyo dhamaan Hey’adaha Xuquuqal Insaanka Cadaalad dhab ah loogu helo Gabood-faladaasi.
Ugu danbeeyntii Golaha waxey go’aansadeen in leeysugu imaado kullan deg-deg ah oo Baroor-diiq ah 13/03/2019 kulanka baroor diiqda kadibna in Banaanbax Cadaalad u raadin ah Maatadii lagu xasuuqay magalada Baydhabo iyo Xariga sharci-darada ah ee Murashax Madaxweeyne Mukhtaar Rooboow sharci eheeyn u Xiran iyadoon jirin wax Maxkamad ah oo Xukuntay.
Haa mafoga waxaa saadaashu tahay inuu dhaco isbedel ka imaandoono dhanka digil diinsame taas oo aan ogolaan doonin takrifalka hada mirifle uu ku sameeyo digil
Comments are closed.