
Wefdi uu hogaaminaayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamul Goboleedka Jubbaland.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamul Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.
Ra’iisul wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada kismaanyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxwaynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.