
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dhamestirtay hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo dib u eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo sheegay in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka dalka.