Alshabab oo 4 Ruux Ku Toogtey Meel Fagaaro ah

0
185

Al-Shabaab ayaa meel fagaara ku taalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay ku toogteen 4 Nin oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Hay’addo Caalami ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayadoo ay usoo dawasho tageen boqolaal ruux oo ka tirsan shacabka deegaanka..

1: Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 Sano jir ahaa ayay sheegeen Al-Shabaab in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana uu gudbin jiray lambarada saraakiisha Al-Shabaab si loo duqeeyo,iyaga oo sheegay un qaadan jiray lacag dhan 50 Dollar.

2: -Cilmi Warsame Cumar oo ay Shabaab sheegeen in uu u Shaqeynayay Shirkad lagu Magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka Britain, isla markaana uu sidoo kale hagi jiray diyaaradaha duqeymaha ka fuliya Gobolka Hiiraan,isla markaana lacag ahaan u qaadan jiray 270 oo dollar.

3: Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee ku sugan Baladweyne iyo Jalalaqsi una qaabilsanaa hagida diyaaradaha wax duqeeya,sidoo kalena mushaar ahaan uu u qaadan jiray 477 dollar.

4: Maxamuud Abuukar Xaaji ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta, isla markaana uu u qaabislanaa in uu Shirqoolo Saraakiisha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.