Alshabab oo Xalay Weerar Kusoo Qaaday Fariisimo Ay Ciidamada Dowlada Ku Lahaayeen Duleedka Degmada Qoryooleey

0
89

Wararka ka imanaya Degmada Qoryooleey ee gobolka Shabellalaha Hoose ayaa sheegaya ayaa sheegaya xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xoogagga ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku garsiiyeen wallow weli aan la helin dad madax banaan oo xaqiijinaya.

Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa inta badan ku dagaalama ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ayadoo halkaasi ay weeraro kala geldisan ay alshabab halkaasi kusoo qaado.